Iska Hor Imaad ka Dhacay Suuqa Gaalkacyo
Number of View: 291
Gaalkacyo:- Wararka naga soo gaaraaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo sheegaaya in Suuqa qudaarta ee magaaladaasi uu maanta gebi ahaanba xiran yahay, kadib markii uu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray ganacsatada qudaarta keenta.
Iska hor imaadka ayaa sababay dhaawaca 9-qof oo u badan dumar, waxaana dadkaasi dhaawacyo kasoo gaareen dhagxaan, baangado iyo budad ay isku adeegsadeen.
Ciidamada amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi gaaray waxayna kala dhex galeen dadkii isku dhacay.
Dhaq dhaqaaqa guud ee ganacsiga suuqa ayaa xiran, waxaana lagu soo daadiyey Ciidamo Boolis ah oo katirsan kuwa Puntland.
Iska hor imaadka dhexmaray haweenka qudaarta iibiya ayaa salka ku haya muran ku aadan keenista qudaarta iyo weliba qaabka loo iib geeyo.
Xaaladda ayaa iminka deggan waxaana socda dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo dadka dadkii dagaalay saaka.
Xafiiska Wararka Muqdisho










