Hawlgallo Maalintii Labaad ka Socda Muqdisho
Number of View: 142
Muqdisho:- Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxay hawlgallo xooggan ka wadaan waddada isku xirta Igoysyada Soope iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa duminaaya dhismayaal sharci darro ah oo waddadaasi ku yaalla, sidoo kale waxay wadaan baaritaan kale oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Saaka markii waagu beryey ayaa dadweynaha magaalada Muqdisho waxay kusoo tooseen Ciidamada oo xiray dhaq dhaqaaqa waddada isku xirta KM4 iyo Ex-Control Afgooye.
Ciidamada ayaa maalintii shalay hawlgallo ay ka sameeyeen aagaasi waxay kusoo qab qabteen hub farabadan oo la sheegay in laga ganacsan jiray.
Sidoo kale Ciidamada ayaa waxay dadkii degnaaa xoog uga saareen xarumahii wasaaradaha qorsheynta iyo tacliinta sare oo ku yaalla waddada hawlgalka laga sameeyey.
Ciidamada AMISOM ayaa qayb ka ahaa kuwa hawlgalka ka wada waddada isku xirta Isgoyska KM-4 iyo Ex-control Afgooye.
Xafiiska Wararka Muqdisho










