Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo u Dhoofay Turkiga

Number of View: 177

Muqdisho:- Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ka duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Socdaalka wafdiga duqa Muqdisho ee dalka Turkiga uu ku tagayo ayaa yimid kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda hoose ee XAMAR ay ka heshay dhigeeda magaalada ISTANBUUL.

Xubnaha socdaalka shaqo ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku wehliyo ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa dhanka maamulka iyo maaliyadda mudane Iimaan Nuur iikar, urban planner ka Muqdisho mudane Eng. Maxamed C/qaaadir Axmed Shaan, lataliayah duqa magaalada mudane Cali Gaabow iyo xunbno kale.

Socdaalka duqa magaalada iyo wafdigiisa ay ugu amba baxeen dalka Turkiga ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada maamulka gobolka Banaadir uu ugu  jiro horumarinta magaalada iyo soo celinta bilicdii Muqdisho.

Ajandayaasha kulanka magaalada ISTANBUL  ku dhexmari doona wafiga duqa magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta dowladda hoose ee Istanbul ayaa waxaa ugu waa weyn, sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee Somalia iyo Turkiga iyo sidii Muqdisho ay Turkida ug a fulin lahayeen mashaariic horumarineed.

Wafdiga uu horkacayo duqa magaalada Muqisho ayaa la filayaa in booqashadooda ay qaadato muddo usbuuc ah.

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...