Dr Gaas oo ka Qayb Galay Kulan Looga Hadlaayey Arrimaha Xorriyada Hadalka [Warsaxaafadeed]

Number of View: 206

Muqdisho, Khamiis, May 17, 2012—————-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay kulan labo maalmood ka  soconayay Xalane kaa oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Warfaafinta loogana  hadlayay Qebyo-Qoraalka Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu horeyn Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdulaahi Bille Nuur, ayaa Sheegay in Shirka labadii maalmood ee la soo dhaafay looga hadlayay arrimaha Dastuurka ee Xuquuqul Insaanka iyo Xuruyatul-qowlka Saxaafadda.

Sidoo kale Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa isna sharaxaad ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kulankii ay la qaateen dhinacyada Bulshadda rayidka ah iyo waliba doodii ay ka yeeshee arrimaha Xuruyatul-qowlka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare Waxaan kulankaani u qabaney inaan ka doodno Xuruyatul qowlka iyo Saxaafadda, Waxaan Dastuurkeena cusub ku soo darnay Xuruyatul-qowlka, Waxayna muhiimadiisu aheyd dhowr arrimood oo ay ugu horeyso inaan kaga gudbeyno Kumeel Gaarnimada oo aan dowladd rasmi ah yeelan doono iyo In Saxaafadda loo soo bandhigo sharcigaasi”.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku soo hadal qaaday in mudooyinkii la soo dhaafay xad gudub badan lagu sameeyay Saxaafadda Soomaaliya oo dhalinyaro badan lagu toogtay Magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso iyo meelo kale, Waxaana Wasiir Ku-xigeenkuba ka hadalney in dowladda ay wax ka qaban doonto islamarkaana aysan dhici doonin mar kale in nin xad gudub geystay uu magaalada iska dhexmaro.

Dhinka kale Ra’iisul Wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Sharaf weyn ay u tahay inuu maanta kala soo qeyb galo shirka aad kaga hadleyseen arrimaha Xuquuqul Insaanka, Waxaan aad ugu faraxsanahay in labo cisho ay bulshada Rayidka ah gaar ahaan Odoyaasha arrimahaani ku xeel dheer ay si qoto dheer ah uga doodeen si loo hubiyo in Qebyo-Qoraalka Dastuurka qodobadiisa la xiriira Xuquuqul Insaanka ay u noqon lahaayeen kuwa hormarinaya danaha Shacabka Soomaaliyeed iyo Xuquuqdooda lama taabtaanka ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay inuu aad uga xunyahay tacdiyadda loo geysanayo Suxufiyiinta oo ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxaan aad idin kugu bogaadiyanayaa daruufaha adag oo aad ku shaqeyneysaan iyo caqabadaha maalin walba idin ka soo wajahaya kuwa damiir laawayaasha, dowladuna ma ogolaan doonto in dhib loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay hormarinta xuruyatul-qowlka sababtoo ah waxaa jirayn heshiis Is-afgarad ah oo ay dowladdu la saxiixatay hay’adda QM u qaabilsan Xuquuqul Insaanka si dowladdu looga taageero dhanka logistic-da iyo in si wada jir ah loogu shaqeeyo Xuquuqul Insaanka, waana mid ku cad Dastuurkeena.

-DHAMAAD -

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...