Diyaarado Joog Hoose Ku Duulaya Oo Maanta Lagu Arkay Degmada Hobyo Iyo Cabsi Ballaaran Oo Halkaasi Ka Jirta
Number of View: 345
Hobyo:- Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabaka wararka ee Sooyaalnews u xaqiijiyay in maanta degmada Hobyo lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulaya kuwaasoo cabsi iyo khal ku abuuray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.
Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha oo ah ilaa 5-xabo oo nooca yar yar ah ay saaka kasoo kaceen mid kamid ah maarakiibta dagaalka Neto ee kusugan xeebaha Soomaaliya.
Diyaaradaha dagaalka ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, waxaana jira dad isaga cararay magaalada iyo goobaha looga shakiyi karo in ay duqaymo u geysteen.
Todobaadkaan gudahiisa ayey ahayd markii diyaaraha dagaalka ee Gaashaan buurta Neto ay duqaymo ka geysteen deegaano xeebta ah oo dhanka waqooyikaga aadan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa go’aan ku gaaray in ay Burcadbadeedda ku weeraraan saldhigyada ay ku leeyihiin berriga oo ah meelaha ay kasoo abaabulaan weerarada ay maraakiibta iyo doonyaha ku afduubtaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho










