DHAGAYSO” Madaxwaynaha Jubbaland State Oo Ka hadlay Safarkiisa Kenya Iyo Siyaasadda Jubbaland.
Number of View: 470
11-May-2012 Nairobi Sooyaal News Network
Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland State Dr.Axmed Faarax Ducaale oo dhawaan soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya ayaa waraysi aad u dheer siiyay shabakadda wararka ee Sooyaal News Network.
Madaxwaynuhu waxaa uu kawar-bixiyay arrimaha maamulkiisa iyo sidii uu ku hindisay abuuridda maamulka Jubbaland State of Somalia, waxaa kaloo uu madaxwaynuhu si faah-faahsan uga hadlay siyaasadda guud ee gobollada.
“Maamullada ka jira Somalia waxaa ay noqdeen kuwo aad u fara badan laakiin waa ay kala tayo badanyihiin, maamulkayaga waxaa ku dhan dhammaan dadka daga gobollada jubbooyinka.
Madaxwaynuhu waxaa uu sidoo kale ka hadlay sidii ay u aqoonsanlahayd dawladda KMG ee Somalia, waxaana uu sheegay in ay ugayaan in shirka haatan lagu ansixinayo dastuurka ay kasugayaan in lagu ansixiyo maamulkiisa.
waxaa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay siyaadahada dawladaha dariska ah ee kenya iyo Ethiopia, waxaana uu sheegay in ay si wanaagsan ula shaqaynayaan ayna ka dhaxayso darisnimo iyo is-ixtiraam guud.
waraysiga waxaa qaaday Max’ed Cibaar Diiriye.
Hoos ka dhagayso waraysiga Madaxwaynaha.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sooyaal News Network
mrooble01@gmail.com










