Dagaal ka Dhacay Beledweyne iyo Khasaare ka Dhashay

Number of View: 133

Muqdisho:- Wararka naga soo gaaraaya magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaaya in dagaal geystay khasaare isugu njira dhimasho iyo dhaawac uu habeenimadii xalay ku dhexmaray magaalada Beledweyne Ciidamada Dawladda KMG ah kuwa Ethiopia iyo shabaab oo weerarka soo qaaday.

Dagaalka xoogiis ayaa ka dhashay dhanka galbeed ee magaalada, waxaana soo qaaday dagaalyahano katirsan Al shabaab oo gudaha usoo galay xaafado kamid ah magaalada.

Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa culus ayaa dagaalka la isku adeegsaday waxaana jirtay casbi xooggan oo soo foodsaartay dadka magaalada ku dhaqan.

Ilaa iyo hadda warar rasmi ah kama soo bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ee Dawladda KMG ah Maxamuud Nuur Caga Joof waxa uu sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimi dhanka shabaab waxaana uu beeniyey in ay shabaabku gudaha usoo galeen magaalada.

Dhanka khasaaraha waxa uu tilmaamay in ay dileen 4-kamid ahaa dagaalyahanada Al shabaab dhankooda waxa uu sheegay in uusan wax khasaare ah kasoo gaarin dagaalku.

Afhayeenka Al shabaab Abu Muscab oo dagaalka ka hadlay waxa uu sheegtay in ay xalay qabsadeen xaafado kamid ah Beledweyne kadibna dib uga laabteen.

Warar madax banaan oo aan magaalada ka helayno ayaa soo sheegaaya in dagaalkii xalay oo socday muddo ku dhow saacad ay shabaab gudaha ugu galeen xaafado ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada.

Xaaladda ayaa saaka deggan dhanka galbeed ee magaalada waxaa ka socda hawlgallo ay wadaan Ciidamada Dawladda KMG ah waxayna sii adkeeyeen bandowgii saarnaa magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...