Ciidamo Lagu Soo Tababaray Doolow oo Maanta Gaaray Beledxaawo
Number of View: 206
Beledxaawo:- Ciidamo katirsan Dawladda KMG ah oo dhowaan tababar loogu soo gaba gabeeyey gobolka Gedo ayaa maanta gaaray degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.
Ciidamadaan oo tiro ahaan gaaraaya ilaa 1,500 oo askari ayaa waxay maanta gaareen degmada Beledxaawo, waxaana lagu wadaa in ay uga sii gudbaan degmooyinka kale ee gobolkaasi.
Askarta Dawladda ayaa dhowaan tababar loogu soo gaba gabeeyey degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna qayb ka noqoyaanaan hawlgalada ka socda gobolka Gedo.
Dhanka kale qaybo kamid ah gobolka Gedo maanta waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo Ciidan, waxaana laga cabsi qabaa in ay dagaallo ka dhacaan.
Ciidamada Dawladda iyo kuwa Ahlusunna ayaa maanta gebi ahaanba xiray dhaq dhaqaaqa guud ee degmada Garbahaarey, waxaana la arkaayey Ciidamo magaalada uga baxaaya dhanka furimaha dagaalka.
Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee gobolka Gedo ayaa dhowaan sheegay in ay bilaabi doonaan dhaq dhaqaaqyo ay gobolka uga saarayaan Al shabaab oo iminka Gedo ka maamula degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.
Sikastaba xaaladda gobolka Gedo ayaa u muuqata mid isku bedeshay hawlgallo ay wadaan Ciidamada huwanta iyo shabaabka oo difaacyo adag ka xirtay deegaanada ay kusugan yihiin.
Xafiiska Wararka Muqdisho










