Ciidamada Dawladda oo si Xoog ah ku Baneeyey Xarumo kamid ah kuwa Dawladda

Number of View: 133

Muqdisho:- Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa maanta dadkii deganaa xoog uga saaray xarumaha wasaaradaha wasaaradaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Tacliinta Sare iyo Hidaha ee magaalada Muqdisho.

Maanta barqadii ayaa Ciidamo katirsan kuwa AMISOM iyo kuwa Dawladda KMG ah waxaa lagu soo daayey waddada isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa gebi ahaanba xiray dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waddada, waxayna hawlgallo xoog ku saaris ah ku bilaabeen dad ku harsanaa labada xarumood ee wasaaradaha.

Dadkii deganaa wasaaradaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Tacliinta Sare iyo Hidaha ee maanta xoogga looga saaray ayaa ka madax adaygay baaq ay hadda ka hor dhowr mar u jeedisay Dawladda Soomaaliya.

Dadkaasi oo xarumaha deganaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in ay xoog ku joogaan taasina waxay sababtay in maanta awood dheeraad ah loo adeegsado.

Ma jirin wax iska hor imaad ah oo dhacay balse waxaa la arkaayey qaar kamid ah dadkii deganaa guryaha oo ay xireen Ciidamada Dawladda ee saaka hawlgalka sameeyey.

Dawladda KMG ah ayaa horay xarumo badan oo kamid ahaa dhismayaasha Dawladda waxay uga saartay dadkii deganaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay, qaar kamid ah dhismayaashaasi waxaa iminka ka socda dayactir.

Inta badan dadka Muqdisho ayaa soo dhoweeyey qorshaha ka saarista dadka ee xarumahii Dawladda maadaama lagu qaban doono shaqada wasaaradaha oo qaarkod ay hadda ku shaqeeyaan dhismayaal kiro ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...