Abwaan Cabdi Shire iyo Abwaano Kale oo Maanta Muqdisho Gaaray

Number of View: 308

Muqdisho:- Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya maanta waxaa soo gaaray wafti fanaaniin ah oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha kooxda wadaniga ah ee Qaylo Dhaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel.

Soo dhoweynta xubnahaan isugu jiray Abwaaniinta iyo Fanaaniinta ayaa waxaa ka qayb qaatay dad kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka Tiyaatarka qaranka, qaar kamid ah fanaaniinta Muqdisho ku nool iyo dad kale oo farabadan.

Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha kooxda Qaylo Dhaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel, waxaana uu faah faahin ka bixiyey safarkiisa.

Cabdi Shire waxa uu sheegay in uu dalka ka maqnaa muddo 24-sano ah, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Cabdi Shire waxa uu intaasi ku daray in uu Muqdisho ka dhoofay sanadkii 1988-dii xilligaasi oo uu garoonka diyaaraha Muqdisho ka raacay diyaaraddii shirkadda duulimaadka qaranka Soomaaliyeed ee Somali Airlines.

Mar uu faah faahin ka bixiyey ujeedada safarooda ayaa waxa uu sheegay Mr Ciyaar Jecel in ay qayb ka tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen marxaladda kala guurka ee lagu jiro.

Sidoo kale waxa uu xusay in ajandaha safarkooda ay qayb ka tahay sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya oo iminka u kala jaban labo garab, waxaa la xusuustaa in Qaylo Dhaan ay hees ka tiriyeen arrimaha Baarlamaanka.

Ugu dambayntii Guddoomiyajha kooxda Qaylo Dhaan Cabdi Shire jaamac Ciyaar Jecel waxa uu sheegay in kooxada Qaylo Dhaan ay tahay waddani ayna ka hadasho dhacdooyinka dalka ka dhaca, hase yeeshee ay jiraan dad kaso horjeeda sida xubno kamid ah Baarlamaanka wakhtigisiii dhamaaday ee iminkana labada garab noqday.

Abwaaniinta iyo Fanaaniinta Muqdisho soo gaaray sidoo kale waxaa kamid ahaa Abwaan Awliyo oo isaga sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshaha Muqdisho.

Kooxda Qaylo Dhaan oo ah koox waddani ah ayaa waxaa la aas-aasay 3-dii Bishii December ee sanadkii 2009-kii maalintaasi oo ahayd maalintii uu dhacay qaraxii gumaadka ahaa ee Hotel Shaamow.

Waxii ka dambeeyey wakhtigaasi kooxdu waxay soo saartay heeso badan oo ay uga hadleen dhibaatooyinka dalka ka jira, heestii ugu dambaysay oo ay qaadaan waxa ay soo saareen bishii April, waxayna kaga hadleen qaraxii Tiyaatarka, heestaasi waxaa lagu magcaabaa QOORTA GOOYA BAHALADA.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Yurub says:

    A/c dhamaanba ummada soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdisho waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo ku nool Australia waxaan aad ugu farxay in ay maanta soomali walaalaaloowday garatayna in nin walba ninka dadka u xiggaa yahay ninka wadaninimadu ku dheehan tahay waxaana marlabaad u soo noolaan karaa hadii aan wadanigeena qiimayno not qabiilkeena imaansha cayaar jecel uu yimid muqdisho waa mid aad noo dhiiri galinaysa in aan ku soo noqono muqdisho oo ay iigu dambeysay anoo caruur ah jirana 11sano maantana aan ahay hooyo caruurtayduna ayna waligood arag ciida soomaliya bale nasiib wanaag waxay tani astaan utahay in aan markale ku noolaan karno guryahayagii ciidayadii iyo calankayagii oo naga dul babanaaya insha allah illay soomaali ha mideeyo nabad waartana hasiiyo aamiin aamiin aamiin




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...