Aafo Aan Inaga Hadhin Qormo Gaaban [ Qalinkii Maxamed C/rashiid ]

Number of View: 912

Kampala:- Marka hore salaan diiran akhriste iga gudoon, waa mar kale iyo qormooyin xiiso badan oo aan uga hadlaayo dhibaatoyinka dhinaca bulshada dhexdeeda ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.

Anagoo u kala qaadi doona sida ay u kala daran yihiin,waxaan isleeyahay akhriste waxaa jira dhinacyo badan oo ay naga soo wajahayan dabeylo xambaarsan dib u dhac,gaajo,faqri aan dhamaad lahayn iyo wixii la mid ah.

Marka loo baahan yahay in laga baxo khatar ama dhibaato meesha la hiigsada waa Alle bariga, marka xigtana waa dhalinyarada oo u kaca sidii ay bulshadooda uga samata bixin lahaayen aafadasi ku habsatay.

Markii aan u soo noqdo dalkena Soomaaliya waa iska caddaan doorkii ay dhalinyarada Soomaalida ka qaadatay xorriyadii iyo horumarkii dalkan xiligaasi uu gaadhay.

Iyadoo dhalinyarada Soomaalida ay kaga tilmaaman tahay geeska Africa in ay yihiin geesiyaal aan gaban, xili Aqoontoodu ay aad u hooseyday, taasina waxaa tusaale noogu filan SYL, SYC oo dhamaantood ahaa kuwii dhaliyay xornimada maanta aan ku naaloono.
Mar haddii aan iftiimiyay waxqabadkii xooga Soomaaliyeed ee ahaa dhalinyarada, hadana waxaan isku dayi doonaa in aan u soo noqdo mowduuca qormada oo ah  Jaamacadaha iyo Jaadka.

Sanadka kasta waxaa jira arday farbadan oo ka soo qalin jabiyay dhamaan dugsiyada dalka gudihiisa ka dhisan kuwaasi waxbarasho u soo aada dalalka geeska Africa mar hadii ay awoodin in ay u baxan Jamaacadaha kale ee caalamka fog.

Waxaan is leeyahay meelaha ugu badan ee ardaydaasi u tagaan waxbarashada geeska Africa waxaa ka mid ah Uganda, iyadoo ay jiraan tiro kale oo u baxa dalka Sudan, hadaba waa su’aale xaaladooda maxaad kala socotaa akhriste ?

Waxay ila tahay sida faraha Aadamiga aysan u wada sineen in ay dadkuna  u wada sineen, waxaan sidaa u leeyahay waxaa jira dhalinyaro mutacalimiin ah oo ka soo baxay Jaamacadah aan hada hadal heyno, kuwaasi oo wax badan ka badalay baahiyo badan oo ka jira gudaha dalka iyo meelo kale oo ka baxsan.

Horraantii bishii March ee sanadkaan waxaan la kulmay rag sar sare oo ka socda Jaamacadahada dalka Uganda kuwaasi  oo waday barnaamij ay ugu magac dareen wacyi-galinta Ardayda, oo maxaa laga wacyi galinya ?  waxaa laga wacyigalinya cunista qaadka oo ay aad u badsadeen waxaana ay markaasi isku dayayen sidii ay taageero ugu heli cid ka taageerta dhinaca Maaliyada.

Markii aan u dhaba-galay halka ay ka jirto utunta weyni, waxaa ii soo baxday in ay tahay tiro aad u farbadan oo dhalinyaro ah oo galay beerta foosha xun ee qaadka kuwaasi oo kaga mashquulay  Aqoon-raadiski ay halkan ku yimaadeen, xaafadaha bartamaha Kamapala ayaa ugu badan meesha ay u fadhi tagaan kuwa ayaan darrada ku habsatay, iyagoona miciin bidiya cunista qaadka, cabista Khamriga iyo wixii la mid ah.

Waxaan marka isweydiiyay xagee ka timaada qarashaka faraha badan ee muddada intaas le’eg lagu tumanayo, maxayse ka ogyihiin waalidinti dadkaan u soo dirsaday waxbarashada ? waxaan is-leeyahay waa su’aal mug weyn. Akhriste qarashkan waxa uu ka yimaada  waalidiin ku niyad-san tabaca aqoonta ee caruurtooda ku maqan yihiin.

Kuwaasi oo sanad walba bixiya lacag farabadan oo ay ugu talagaleen in ay ku kobciyaan aqoonta ubadkooda si bari ay u noqdaan kuwo hanta dalka iyo dadka ay ka dhasheen, waxayaabaha la yaabka leh ee hal heyska u noqdo waxaa ka mid ah ( Hebel Beerta ayuu galay)  taasi oo ujeedadeeda tahay in qofkaasi ka baxay saaxada nolosha caadiga ah ee bini’aadmiga loogu talay kiiyoo ay u sii dheertay qurbo joognimo.

Muxuu Yahay Xalku?

Waxaan is-leeyahay waxaa loo bahaan yahay awood dhab ah oo u istaagta sidii looga wacyigalin lahaa isla markaasna looga saari lahaa dhalinyaradan beerta foosha xun ee ay galeen taasi oo cawaaqib xumo u ah  sumacada dadka ay ka dhasheen iyo dalka ay ka soo jeedaan,

Inagoo maanka ku heyna fool-xumadii uu na baday Qaadka xiligii bur-burka gaar ahaan qaran jabkii Soomaaliya wixii ka danbeeyay kaasi oo bur-buriyey qoysas farabadan oo jeclaa dhismaha sii jiritaanka Reerkooda, waxaana ay u saamixi wayday sabab uu keenay Qaadka.

Caafimaad xumi, Maskax-la’aan iyo iimaan la’aan waa waxa laga dhaxlay qaadka inkastoo ay jiraan kuwo garowsaday oo haatan iska joojiyay cunistiisa, waxaana laga hayaa afkooda Alxamdulilaah.   Alxamdulilaah    waxaan har iyo habeen ugu duceyneyna kuwan dhunsan in Allaah uu soo hanuuniyo  kuna soo dumo waddada  hagaagsan.

La soco qaybta labaad

Qalinkii Mohamed Abdirashiid Mohamud
Mango-Kamapla— Uganda
Email:Saadaq89@gamail.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...