Aafo Aan Inaga Hadhin Qormo Gaaban [ Qalinkii Maxamed C/rashiid ]
Number of View: 912
Kampala:- Marka hore salaan diiran akhriste iga gudoon, waa mar kale iyo qormooyin xiiso badan oo aan uga hadlaayo dhibaatoyinka dhinaca bulshada dhexdeeda ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.
Anagoo u kala qaadi doona sida ay u kala daran yihiin,waxaan isleeyahay akhriste waxaa jira dhinacyo badan oo ay naga soo wajahayan dabeylo xambaarsan dib u dhac,gaajo,faqri aan dhamaad lahayn iyo wixii la mid ah.
Marka loo baahan yahay in laga baxo khatar ama dhibaato meesha la hiigsada waa Alle bariga, marka xigtana waa dhalinyarada oo u kaca sidii ay bulshadooda uga samata bixin lahaayen aafadasi ku habsatay.
Markii aan u soo noqdo dalkena Soomaaliya waa iska caddaan doorkii ay dhalinyarada Soomaalida ka qaadatay xorriyadii iyo horumarkii dalkan xiligaasi uu gaadhay.
Iyadoo dhalinyarada Soomaalida ay kaga tilmaaman tahay geeska Africa in ay yihiin geesiyaal aan gaban, xili Aqoontoodu ay aad u hooseyday, taasina waxaa tusaale noogu filan SYL, SYC oo dhamaantood ahaa kuwii dhaliyay xornimada maanta aan ku naaloono.
Mar haddii aan iftiimiyay waxqabadkii xooga Soomaaliyeed ee ahaa dhalinyarada, hadana waxaan isku dayi doonaa in aan u soo noqdo mowduuca qormada oo ah Jaamacadaha iyo Jaadka.
Sanadka kasta waxaa jira arday farbadan oo ka soo qalin jabiyay dhamaan dugsiyada dalka gudihiisa ka dhisan kuwaasi waxbarasho u soo aada dalalka geeska Africa mar hadii ay awoodin in ay u baxan Jamaacadaha kale ee caalamka fog.
Waxaan is leeyahay meelaha ugu badan ee ardaydaasi u tagaan waxbarashada geeska Africa waxaa ka mid ah Uganda, iyadoo ay jiraan tiro kale oo u baxa dalka Sudan, hadaba waa su’aale xaaladooda maxaad kala socotaa akhriste ?
Waxay ila tahay sida faraha Aadamiga aysan u wada sineen in ay dadkuna u wada sineen, waxaan sidaa u leeyahay waxaa jira dhalinyaro mutacalimiin ah oo ka soo baxay Jaamacadah aan hada hadal heyno, kuwaasi oo wax badan ka badalay baahiyo badan oo ka jira gudaha dalka iyo meelo kale oo ka baxsan.
Horraantii bishii March ee sanadkaan waxaan la kulmay rag sar sare oo ka socda Jaamacadahada dalka Uganda kuwaasi oo waday barnaamij ay ugu magac dareen wacyi-galinta Ardayda, oo maxaa laga wacyi galinya ? waxaa laga wacyigalinya cunista qaadka oo ay aad u badsadeen waxaana ay markaasi isku dayayen sidii ay taageero ugu heli cid ka taageerta dhinaca Maaliyada.
Markii aan u dhaba-galay halka ay ka jirto utunta weyni, waxaa ii soo baxday in ay tahay tiro aad u farbadan oo dhalinyaro ah oo galay beerta foosha xun ee qaadka kuwaasi oo kaga mashquulay Aqoon-raadiski ay halkan ku yimaadeen, xaafadaha bartamaha Kamapala ayaa ugu badan meesha ay u fadhi tagaan kuwa ayaan darrada ku habsatay, iyagoona miciin bidiya cunista qaadka, cabista Khamriga iyo wixii la mid ah.
Waxaan marka isweydiiyay xagee ka timaada qarashaka faraha badan ee muddada intaas le’eg lagu tumanayo, maxayse ka ogyihiin waalidinti dadkaan u soo dirsaday waxbarashada ? waxaan is-leeyahay waa su’aal mug weyn. Akhriste qarashkan waxa uu ka yimaada waalidiin ku niyad-san tabaca aqoonta ee caruurtooda ku maqan yihiin.
Kuwaasi oo sanad walba bixiya lacag farabadan oo ay ugu talagaleen in ay ku kobciyaan aqoonta ubadkooda si bari ay u noqdaan kuwo hanta dalka iyo dadka ay ka dhasheen, waxayaabaha la yaabka leh ee hal heyska u noqdo waxaa ka mid ah ( Hebel Beerta ayuu galay) taasi oo ujeedadeeda tahay in qofkaasi ka baxay saaxada nolosha caadiga ah ee bini’aadmiga loogu talay kiiyoo ay u sii dheertay qurbo joognimo.
Muxuu Yahay Xalku?
Waxaan is-leeyahay waxaa loo bahaan yahay awood dhab ah oo u istaagta sidii looga wacyigalin lahaa isla markaasna looga saari lahaa dhalinyaradan beerta foosha xun ee ay galeen taasi oo cawaaqib xumo u ah sumacada dadka ay ka dhasheen iyo dalka ay ka soo jeedaan,
Inagoo maanka ku heyna fool-xumadii uu na baday Qaadka xiligii bur-burka gaar ahaan qaran jabkii Soomaaliya wixii ka danbeeyay kaasi oo bur-buriyey qoysas farabadan oo jeclaa dhismaha sii jiritaanka Reerkooda, waxaana ay u saamixi wayday sabab uu keenay Qaadka.
Caafimaad xumi, Maskax-la’aan iyo iimaan la’aan waa waxa laga dhaxlay qaadka inkastoo ay jiraan kuwo garowsaday oo haatan iska joojiyay cunistiisa, waxaana laga hayaa afkooda Alxamdulilaah. Alxamdulilaah waxaan har iyo habeen ugu duceyneyna kuwan dhunsan in Allaah uu soo hanuuniyo kuna soo dumo waddada hagaagsan.
La soco qaybta labaad
Qalinkii Mohamed Abdirashiid Mohamud
Mango-Kamapla— Uganda
Email:Saadaq89@gamail.com










