War Deg Deg ah: Dilal Caawa ka Dhacay Muqdisho

Number of View: 327

24-April-2012   Muqdisho  Sooyaal News Network  Ku dhowaad 6-qof oo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta loo dilay ayaa caawa lagu dilay gudaha iyo banaanka suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Biyo degeenka Xareed ee gudaha suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay 3-ruux oo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta loo dilay, sidookale Isgoyska Baar Ubax waxaa lagu dilay 2-kale.

Dhamaan dadka la laayey lama yaqaan, sidoo kale cidda dilalka geysatay lama oga, waxaa jira dad kale oo iyana dhaawacmay.

Warar kale ayaa sheegaaya in dad kale isla caawa lagu dilay goobo kale oo Isgoyska Al Baraka kamid yahay, hayse yeeshee maaha kuwo la xaqiijiyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaaya in dadka la laayey iyo kuwa wax laayey ay isugu jiraan Ciidamada Dawladda ee PS-ta ah iyo rag katirsan Al shabaab, balse maaha warkaasi mid si rasmi ah loo xaqiijiyey.

Waxaa naga xusuus ah in ay wax iska bedeli kaaran tiradad dadka caawa lagu laayey gudaha magaalada Muqdisho maadaama warku hadda dhow soo dhacay.

Gudaha magaalada Muqdisho xilliyada habeenkii ah waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad kala duwan oo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee lagu laayo dadkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...