Shabaab oo Xoog Kula Wareegay Idaacadda Markabley Baardheere Una Bedelay Al Andulus

Number of View: 405

Baardheere:- Dagaalyahano katirsan shabaabka Gedo ayaa saaka gudaha u galay xarunta Idaacadda Markabley ee magaalada Baardheere waxayna amar buuxa ku bixiyeen in la xiro gebi ahaanba Idaacadda laguna soo weraajiyo furaha.

Shabaabka saaka la wareegay Idaacada Markableey ayaa waxaa hogaaminaayay Barre Qooje oo ah Gudoomiyaha maamulka degmada Baardheere iyo sidoo kale rag ka socda xafiiska warfaafinta Al shabaab.

Barre Qooje iyo Ciidamadiisa ayaa Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Markableey waxaa ay ku amreen inay soo wareejiyaan furayaasha xafiisyada Idaacada ayna gabi ahaanba isaga baxaan dhismaha Idaacadda, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Maamulka Idaacada Markableey oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada saaka la wareegay Idaacadda ay u sheegeen in amarka ay kula wareegeen Idaacadda uu yahay amar sare oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta iyo siyaasada xarakada Al shabaab.

Warar hoose oo ay shabakada wararka ee Sooyaalnews.com heshay ayaa sheegaya in Idaacadda Markabley ee ay shabaabku la wareegeen saaka magaceeda lagu badali rabo Idaacadda Al Andulus oo ku hadashada afka xarakada Al shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee iminka naga soo gaaraaya Baardheere ayaa soo sheegaaya in Idaacaddii Markabley ee Baardheere goordhow lagu dhawaaqay in loo bedelay Al Andulus ayna u shaqayn doonto Al shabaab.

Magaalada Baardheere hadda waxaa ku suggan rag ka socda xafiiska warfaafinta iyo siyaasada ee xarakada Al shabaab kawaas oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Idaacadda ku hadasha afka Al shabaab ee Andalus Xasan Xanafi.

Al Shabaab ayaa horay ula wareegay Idaacado badan oo ka hawlgali jiray magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka waxayna dhamaantood ka dhaceen qalabkii muhiimka ahaa iyaga oo markii dambe ka yagleeyey Idaacadda Al Andulus ee afkooda ku hadasha.

Xafiiska Wararka Muqdisho


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...