Saraakiil ka Socota AMISOM Oo Gaaray Gobolka Jubbada Hoose
Number of View: 152
24-April-2012 Dhoobleey Sooyaal News Network
Wararka ka soo baxay gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ay gaareen saraakiil ka socta midowgga Africa kuwaasoo uu horkacayo taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya Jen. S.N Karanji ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dalka Kenya.
Saraakiishan tagtay gobolka Jubbada hoose ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay bal in ay u kuur-galayaan sida ay u socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada koonfurteed, iyaga oo halkaa kulamo kula qaatay saraakiisha Kenya iyo kuwa dowladda KMG ee ku sugan gobolkaas.
Taliye ku-xigeenka cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa kulanka uu la yeeshay saraakiisha labada dhinac, waxaa uu kala hadlay sidii loo sii hormarin lahaa dagaallada ka dhan-ka ah Al-shabaab iyo waliba in sida ugu dhaqsiyaha badan loola wareego degmooyinka gobolka ee hadda gacanta ugu jira Al-shabab.
Booqashada saraakiisha AMISOM ay ku tageen gobolka Jubbada hoose ayaa ku soo beegmaya xilli la wado in howlgal adag laga bilaabo gobollada koonfurta dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb-qaadanayaan ciidamada AMISOM.
Xafiiska Wararka ee Nairobi










