Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumada KMG Soomaaliya

Number of View: 129

Muqisho April 24, 2012——-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha  Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay in howlaha agaasimayaasha ay sidii loogu talagalay u socon doonto islamarkaana sheegay ineysan dhicin iney saameyn ku yeelato isbadalka socdo ee xilliga kala guurka ah.

Waxaana ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo sida ay howlaha ku socdaan, Iyagoona Ra’iisul Wasaaraha u balanqaadeen iney waajibkooda gudan doonaan, Islamarkaana ay sii shaqeyn doonaan inta laga soo dhisayo xukuumadd dhameystiran taa oo looga baxayo xilliga KMG.

Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana ku hadlayay Afka Agaasimayaasha Mudane Bashiir Goobe ayaa sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin shaqada adag oo ay Agaasimayaasho hayaan islamarkaana tilmaamay iney gudan doonaan waajibaadkooda shaqo kuna faraxsan yihiin howlaha imminka soconayo ee looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha kuna hadlayay Afka Agasaamiyasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya  ayaa tilmaamay iney derder gelin doonaan howlaha loo idmey oo ay xukuumadda iyo Shacabkaba u hayaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay 11xubnood oo ka socota dowladda Koonfur Afrika kuwaa oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah madaama labada dal ay yihiin kuwa xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo ka dhaxeyso islamarkaana ay ka wada shaqeynayaan howlaha hadda socda ee mar xaladda kala guurka ah iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda KMG ah


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...