Raggii Gawracay Guddoomiyaha Ceel-Cadde oo la Qabtay iyo Dagaal ka Dhacay Gedo
Number of View: 216
Ceel-Cadde:- Wararka naga soo gaaraaya deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa soo sheegaaya in Ciidamada Dawladda KMG ah ee deegaankaasi maamula ay maanta gacanta kusoo dhigeen raggii ku lug lahaa dil gawrac ah oo dhowaan duleedka deegaankaasi loogu geystay nin oday ah oo kamid ahaa waxgaradka deegaanka Ceel-Cadde.
Hawlgal qorshaysan oo ay Ciidamada Dawladdu ka sameeyeen xaafado kamid ah deegaanka Ceel-Cadde ayaa waxay kusoo qabteen labo nin oo la sheegay in mid kamid ah uu gawracay Guddoomiyahii deegaanka, halka kalena ka sheegay in uu qabtay markii la gawracaayey.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dawladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ragga maanta la qabtay ay si dadban ula shaqeeyaan Al shabaab ayna u qaabilsanaayeen dilalka laga fulinaayo goobaha ay kusugan yihiin Ciidamada ee gobolka Gedo.
Mid kamid ah ragga lasoo qabtay oo ninka dilka gawraca ah fuliyey ayaa la sheegay in uu qirtay falkaasi, hase yeeshee ninka kale ayaa sheegay in uusan lahayn wax denbi ah.
Saraakiisha Ciidamada waxay sheegeen in ay caddaymo dhowr ah u hayaan dilka gawraca ah ee ay raggaasi ku fuliyeen oday kamid ahaa dadka deegaanka kaasi oo dadka deegaanka u xisaab sanaa Guddoomiyaha deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa markii la dilaayey waxaa loo sababeeyey biyo ay Ciidamada Kenya ka dhaansadeen war biyaha laga cabo oo ku taalla duleedka deegaanka Ceel-Cadde.
Dhanka kale duleedka deegaanka Ceel-Cadde maanta waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dawladda KMG ah iyo dagaalyahanada Al shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Askari katirsan Ciidamada Dawladda iyo 3-dagaalyahan oo shabaab katirsan ayaa la sheegay in ay dagaalkii maanta ku geeriyoodeen, sidoo kale 5-qof oo labada dhinac ka kala tirsan ayaa dhaawacyo soo gaareen.
Xaaladda ayaa iminka deggan, deegaanka Ceel-Cadde ah oo ah furin dagaal waxaa inta badan ka dhaca dagaallo dhexmara Ciidamada huwanta iyo Al shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho










