Cali Khaliif Galeydh oo Puntland ku eedeeyay in ay ku amartaaglayso Dowlada “Top News”

Number of View: 168

22. April.2012: Nairobi:

Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah aasaasayaasha maamulka Khaatumo horeyna u ahaan jiray ra´sul wasaarihii xiligii dowaladii Jabuuti lagu sameeyey ee madaxweyne ka ahaa C/qasim ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ku amar-ku-taagleeyo dowladda Somaliya, uuna u muuqdo mid ka awood badan dowladda Federalka.

Prof. Galeyr ayaa tusaale usoo qaatay booqashadii madaxweyne Sh. Shariif uu ku tagay Garoowe kol hore, ayna halkaas ka muuqatay awood ka badan mida dowladda Somaliya sida calan gooni ah, heeso gooni loogu qaadayay Puntland, qaabkii uu madaxweyne Faroole ula dhaqmay madaxweyne Sh. Shariif. Wuxu kaloo Prof. Geleyr soo qaatay dastuurka ay Puntland soo saartay todobaadkan, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid ka hor-dhacay dastuurka Somaliya loo qorayo hada.

Waxa kaloo xusid mudan oo muujinaya awooda dhabta ah Puntland ay ku maamusho Somaliya fashilka hada ku yimid wadahadaladii Somaliland iyo dowladda Somaliya, kadib markii madaxweyne Faroole uu ku qasbay madaxweyne Shariif inuu laba ergo ugu daro shanta uu magacaabay, taasoo uu u dhaganuglaaday madaxweyne Shariif, kadibna keentay in maamulka Somaliland uu la laabto ergadii uusoo magacaabay, iyagoo cilad uga dhigay in aysan la xaajooneyn maamul-goboleedyo ee balanku uu ahaa in dowladda Federalka iyo Somaliland uu wadahadalku dhex maro.


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...