Nin wiil uu dhalayna dilay xaaskiisana ku gubay feero (sawir naxdin leh & qiso)

Number of View: 1890

23-April-2012:  Lagos.
Haweeney lagu magacabo Mercy Nnamdi oo 36 sano jir haysatayna wiil yar oo halsano jira ayaa ninkeedii Henry oo 37 jir ah wuxuu u ula dhaqmay si naxariista ka baxsan, ninkeedu wuxuu ku eedeeyey inay la seexatay soddogeed, isaga aabihii. waxay dagan yihiin tuulo lagu magacaabo Ago, oo u dhow Okota agagaarka caasimadda dalka Nigeria ee Lagos.

Marnaba, kamaysan filayn in ninkeeda oo ay lasoo dhaqantay badi nolosheeda oo aan maamuli karin caradiisa ay kala kulmi doonto wax ka baxsan bini’aadanimada inuu kula dhaqmi doono. wuxuu jirkeeda badi ku gubay feerada dharka oo uu meel walba kasaaray iyadoo kulul.

Isagoo ka gubay meelo khaas ah ayaa loo xiray bambarka (PAMPERS) loogu talagalay ilmaha qaangaarka ah iyo xaashida jilicsan ee wax la isaga tiro (tissue) oo ay u adeegsanayos inay ku tirtirno dheecaanka jirkeeda ka socda.

Intii uu ninkeegu gubayay iyaduna ay qaylinaysay ma jirin wax dariskeeda ah oo usoo baxa iskuna daya inay ka qabtaan, waxayna u qaylinaysay si sare iyadoo ku cataabaysa icaawiya, icaawiya, (help, help). In darisku usoo bixi waayo waxay kutimid iyadoo mar walba ninkeedu uu dili jiray iyaduna ay dariska u wacan jirtay.

Intii uusan falkan ku kicin ninkeedu waxaa jirtay dambiyo kale oo dilal ahaa oo loo gudbin jiray booliska oo ay la socodsiiyeen dariskeeda, waxayna boolisku dhowr jeer oo hore ka saxiixeen inuusan gacan u qaadin xaaskiisa.

Warar kale oo laga helay qoyska ayaa tilmaamay in khatari ay kusoo wajahan tahay gabadhaas, waxayna is jeclaadeen 16 sano kahor, waqtigaas oo ay Mery jirtay 22 sano, laakiin wixii loo tilmaamay waxaa ka waynee jacaylka indha-la’aanta ah ee ay u qabtay iyadoo rajaynaysa inuu maalin iska ilaawi doono caradiisa maalin uun. taasoo aan run noqon.

Iyadoo hadalkeedii wadata Marcy kuna sugan isbitaalka tuulada Ago, ayaa waxay tiri “Waxaasoo idil waxay dhacayaan habeen sabti ah, waxaan diyaariyay bataati (yam) muddo ayaan sugay inuu yimaado ninkaygu, markaan cabbaar sugay waxaan go’aansaday inaan tayda cuno tiisana miiska uga tago, daqiiqado kadib wuu yimid saacaduna tilmaamayso 11pm wuxuu toos u aaday sariirta, kadib 1 a.m korontadii tagtay ayaa soo laabatay, wuxuu soo damiyay matoorkii guriga u shidnaa korontadii waynaydna shiday”

Intaas kadib, wuxuu bilaabay inuu feereeyo dharkii ay u keensadeen macaamiishiisa, waayo wuxuu ahaa doobile, (dry cleaner)

Xoogaa kadid waxaa kacay wiilkeenii yaraa ee sanadka jiray oo ooyaya, wuxuu rabay in naas la siiyo, wax yar kadibna banaanka ayaan nimid markaan gudaha ku daalnay, anigu qabays ayaan doontay isagana waan u diyaariyay.

HABEENKII LAMA ILOOWAANKA.

Durba waan seexday, waxaan ku kacay xanuun dhabarka iga soo galay, waxaan u maleeyey inay riyo tahay, laakiin markaan indhaha kala furay mise ninkaygii baa feero dhabarka iigaga haya feeradii uu dharka ku feeraynayay, markiiba waan is rogay mise haddana xabadka ayuu iga saaray, markaan gacmaha kor u qaadayna gacmihii ayuu iga saaray.

Intaas kadib waxaan sameeyo ayaan garan waayay, waxay dantu igu khasabtay inaan u qayliyo dariskayga, “i caawiya, i caawiya” lugihii ayaan kor u qaaday, wuu iga saaray, meel walba oo aan nuuxiyo feero kulul oo korontada ku jirta ayuu iga saaray.

Meel walba oo jilicsan wuxuu iga saaray feero kulul, meel walba oo maqaarku uu kor uga soo koco wuxuu ku dilaacinayay kashawiito (screw driver) waan tabar dareeyay inaan qayliyo, waan baryay isagii inuu iga joojiyo laakiin waa iga diiday, wuxuu iwaydiinayay  ”Imisa jeer ayuu kula seexatay aabahay?” iyadoo uu xanuun ihayo, waan baryaa si aan u maqlo oo aan garto wuxuu ileeyahay.

Jawaabtaydu waxay u muuqatay mid kasii caraysiinaysa, waayo feerada ayuu sii kululaynayaa, isagoo feerada korkayga saaraya isaguna uu iwaydiinayo ii sheeg runta imsa jeer ayuu kula seexday!

Markay halkaas marinayso sheekada ayaa booliska oo sheekada wax ka dhagaysanaya waxay ku yiraahdeen, ma runbaa inaad dambigaas gashay. waxay tiri “Sidee u samayn karaa sidaas? Aabihii wuxuu leeyahay xaas.

Qayladaydii waxaa ku kacay wiilkii yaraa, wuxuuna bilaabay oohin, waan baryay inuu ii ogolaado inaan wiilka yar naas niiyo.

Laakiin intaanan dhamayn warka ayuu feeradii kululayd dul saaray naasahayga, isagoo iigu goodiyay inuu i dili doono hadaan qayliyo, laakiin si ka daran sidii hore ayuu caloosha iga saaray feeradii oo kulul, wuuna iigaga tagay waxaan isku dayay inaan iska tuuro feerada oo aan baxsado laakiin waxay iigaga dhagtay bowdada.

Wuxuu ii sheegay inaysay jirin waddo aan ku baxsan karo, habeenkaas  qaar kamid ah ragiisa gangs-ka ah ayaa banaanka u taagan, waxay sugayaan inay qaadaan maydkayga kuna tuuraan meel aan la aqoon, markuu nafta iga gooyo, waan ogaa inuu malagay galay, waxaanse isku dayay inaan banaanka u baxsado anigoo ku qaylinaya “i caawiya” anigoo adeegsanaya wixii tabar ah ee igu haray.

Markay xaaladdu halkaas marayso, wuxuu si deg deg ah uga soo bixiyay sariirta Ebuka (waa wiilkeeda yar) wuxuuna ula soo baxay banaanka, waxaan go’aansaday markaas inaan banaankga usoo cararo, waayo ma aqaano waxa ku xiga ee uu samayn doono markuu soo laabto.

Ma sheegi karo sidaan qolka uga soo baxay anigoo guurguuranaya, laakiin waxaan imid jikada anigoo qaawan oo qaylinaya, laba nin ayaa i arkay waxaan xusuustaa inay maro isaareen, anigoo ku fekeraya sidii aan uga sii baxsan lahaa guriga, waxaan maqlay qof qaylinaya oo leh “ninkaagii wuxuu dilay wiilkaagii yaraa” taasi waxay ahayd wixii ugu dambeeyey ee aan maqlo.

Waxaan qiyaasay inaan dhintay, markaan xoogaa kadib indhaha kala furay waxaan is arkay anigoo isbitaalka jiifa.

Mid kamid ah dariska ayaa si cad isbtaalka gudihiisa ugu sheegay booliska inay si fudud u diideen inay gabadha badbadiyaan habeenkaas, waayo, waxay ahayd waqti dambe, qayladeeda ay ku codsanayso in la caawiyana aad bay u badnayd.

Mid kale ayaa yiri, “Ilaa waagii ay u wada noolaayeen nin iyo xaaskiis,  marnaba ma jirin waqti ay si deggen uwada joogeen, waqti kasta waxay u ahayd waqti xun, ninkuna waqti kasta wuxuu soo cabaa qamri, xitaa waxaan u tagnay booliska oo aan soo wargalinay xaaladda gurigaan ka jirta hadda kahor, sababtoo ah annaga dariska ah maanan rabin inuu gabadha qaarajiyo annaguna aan sidaas dambiilayaal ku noqono, wax walba oo aan samaynayna dilka kamuusan dayn jirin.

Gabar dumaashideed ayaa waxay tiri “Marar badan ayay isku dayday inay qoyskeeda iska aado, laakiin maysan aadin, xitaa soddogeed wuxuu kula taliyay inaysan kusoo laaban sanadkii hore bishii December mar ay damacday inay qoyskeeda aado, sababtoo ah wuxuu ka daalay dacwad aan dhamaanayn oo gabadha uu soddogga u yahay ukeenayso”.

Iyadoo ooyaysa Mercy, waxay ka sheekeynaysaa waxyaabihii ay kala kulantay iyo barashadiisii, “Waxaan is naqaanay ilaa 1996, xiriirkeenu wii sii waynaaday ilaa 2010 markaan soo baray xaafaddeena, waxaan dartiis uga tagay barashadii xirfad timaha lagu qurxiyo, waxaana door biday inaan isaga iska raaco hadhow aan howshaas iska watto.

Laakiin muusan noqon sidii ay filaysay, intii aan baran lahaa qurxinta dumarka xaga timaha, waxaan bilaabay inaan iibiyo, cuntooyinka dhandhanaansiga (pap) waxaasoo dhan waxay u samaynaysay inay hesho ninka ay jacaylka waalan u qaaday ee Henry.

Intaa kadib wuxuu bilaabay inuu lasoo boxo dabeecaddiisa runta ah, wuxuu bilaabay  inuu diido inuu bixiyo booyaaso guriga ilaalisa lacagteedii,  xitaa waan barayay inuu dukaan ii kireeyo, wuu diiday,    waxaa kaaga daran lacagta wuxu kusoo cabaa biir (beer) iyo xashiish, mar walba oo aan ka waaniyo wuu iga hor yimaadaa, wuu igu xanaaqaa waxa ku xiggana waa dil,  marar badan ayaan booliska ka baryay inay iga caawiyaan inuusan gacan ii qaadin, laakiin ma yeelin.

Haddaba dhacdadan oo lasoo gudboonaatay gabadhaas waxay dhacday bishan April aynu kujirno 7-deedii waxaana laga dayrinayaa dawadii ay qaadan lahayd iyo lacagtii lagu dawayn lahaa oo familkeeda iyo kii kale ee soddogeed ay u la’yihiin wax lagu daweeyo.

Dhakhaatiirtuna waxay kasii dayniyaan nolosheeda oo mararka qaar ay biyir beesho sababo xagga dawadii ay qaadanaysay oo aan la bixin kharashkeedii.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre. Sooyaal News.

mjfaarax@gmail.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...