Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan Oo Ku Sii Jeeda Baydhabo
Number of View: 193
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh iyo wafdi xildhibaanno ah oo horkacaya ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay.
Magaalada Baydhabo ayaa dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay waxaa la wareegay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya, kadib markii ay halkaa ka saareen xoogaga Al-shabaab ee mudada ka badan sadaxda sano maamulayay.
Wafdiga ayaa waxaa laga wadaa marka ay halkaa gaaraan in ay kulamo la qaataan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo iyaga oo kala hadlli doono xaaladaha nabad-galyo.
Magaalada Baydhabo ayaa kol hore waxaa gaaray wafdi ka socda xukuumada KMG, kaasoo uu horkacayay wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga Xusseen Carab Ciise, waxaana wafdigan danbe uu noqon doonaa kaa labaad ee halkaa taga tan iyo markii laga saaray Al-shabaab.










