Wasaarada difaaca ee dalka Britain oo ku dhawaaqday dhimista kharashaadka ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Number of View: 568Wasaarada gaashaandhiga ee dalka Britain ayaa ku dhawaaqday qorshayaal lagu doonayo in markii labaad lagu dhimo kharashaadka ciidamada dalkaasi.
Dhimista kharashaadka ciidamada ayaa lagu wadaa in lagu waayo shaqooyin farabadan , iyadoo xilli hore dowlada Britain ay ku dhaqaaqday tallaabo noocan oo kale ah.
illaa saddex kun oo askari oo ah ciidamada dhulka ee Britain ayaa lagu wadaa in shaqada laga fadhiisiyo, iyadoo kun askari oo ciidamada cirka ay shaqadooda waayayaan, halka illaa shan boqol oo askari oo ka tirsan ciidamadda badda ay iyagana shaqada laga fadhiisinayo.
Wasaarada difaaca oo hadal soo saartay ayaa sheegtay in ay wadatashiyo kaddib go’aamadaasi qaadatay si loola tacaalo is dhimista miisaaniyadda wasaarada.
Sida uu dhigayo qorshaah istaraatiijiyada difaaca iyo dib u eegista ammaanka,waxaa la filayaa in ciidamada badda iyo kuwa Cirka ee Boqortooyadda Britain la dhimo
Ciidamda dagaalka ee Britain ayaa sida uu qorshuhu yahay la gaadhsiindoonaa 82,000 sanadka 2020,iyadoo guutada xoogga badan ee Gurkha oo ka kooban 3,500 askari aanay dhimistani,saamayndoonin, waxana guutadaasi Gurkha oo fadhigoodu yahay degaanka Shorncliffe ee Kent, islamarkaana nus qarni u soo dagaalamay dalka Britain ay boqol iyo afartan shaqo ku waayeen dhimistii hore ee kharashaadka ciidamada ee wasaarada Difaaca ee Britain.
Dhimista kharashaadka wasaarada difaaca ee Britain ayaa ka mid ah qorshayaasha lagula tacaalayo is dhimista miisaaniyada ee dalkaasi.











