Maanso- Digtoonaan Muuji Sadoow,Gabay.

Number of View: 2226

London(S.News Network) maansadan waxay ka turjumaysaa xaqiiqada dhabtaa ee maanta

beesha sade ku sugan tahay,iyo qaymayn aan ku samaynayo sidii
looga bixi karo,dhibaatadaas haraysay beesha sade ee mugdiga
Gelisay,-Marka aqristoow ama diid ama yeele,maansadan ila aqriso
fikradaadana ka dhiibo,(insha-allaah)

Qoon dabaylo socdaa iyo
Duufaan ay sidataa oo
Dayacan oon is ogeeyn
Oon aqoonin dantooda
Cidkastaa isku duufsano
Diiwaan ay ku dhigtaano
Daba galkooda intaa
ku dulmanoo aanan ka daalin
Dib hadhoow ka shalaayiye
Duul sadoow ha habaabi,
?
Daacad ruuxu haduu
Noqdo dooqba lahayno
waxuu dooran karaa iyo
Ama diido lahayn
Dhagweynoo aanba dareen iyo
Dhiigaan diirin jirkiisoo
Dubaaxshaaba ku oolbaa
Dawlad ruux isu moodiyo
Mid inuu diinta islaanka
Dadka uu ka xigaa oo
Waa difaaci ku haaya
midkaloo weer cadba duubtay
Dhamaantoodba is diidan
?
Dilaaliin is bahaysto
Ku ciloobay dantoodo
Damceenoo gaarka ah oo
Dilaa aan ka naxaybaa
Dumarkii iyo caruurtiyo
Danyartii reer sade iyo
Duulkii ay ka dhasheenba
Hurinaaya dabkoodo
Daqardaas ku dhigo
Dhiigood daadinayoo
Dhagartaa ku hayee
?
Magacii dunidoo dhan
ka ahaa dahabkoo
diiwaankooda ku yaalay
Cidkastoo damacdaa oo
Daan-daansataa ku hungoowdo
Dib danbee u haweeysanoo
Ka didaan maqalkiisiyo
Duulkii reer sade maanta
Wax ma doorsho dugaagiyo
Duunyadaan duhur joogto
Diir naxaa ruuxa lahoow
Sharaftii dib u doon,
?
Dadaal dheeriya ruuxi
Muujiyoo wax damcaa oo
Danteenu ay ku jirtaaba
Dilaal aan wax ogeyno
Damanoo iska jiifoo
Dantiisii gabayb oo
Dayacaa hor istaaginoo
Sidii uu duminlaa
U durbaan tumayaa oo
Intaa been daldalaayiyo
Hadal aan laga daaline
Sadoow yuu idin duufsan,
?
Anagoo isku duubanoo
Midkii jooga dalkii iyo
Dibadahaanba ku nool iyo
Midkii dawladba sheegtiyo
Midkii diin qaraaban
Danta guud kuligood
Daacad ay uga noqdaano
Dirirtaan hoose la daayiyo
Dagaalkaan reer hebelkaa
Danahii beeshu lahayd
Dib usoo celinaysee
waa dardaaran abwaano
idinku daalay sadoow eh
Digtoonaan muujiya weyn
?
Mahadsanidiin
Durraan shirwac
london/uk
?


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. wiil sade says:

    Masha allah Duraan Shirwac walal mcne waa dar daaran wanagsan kuwii wax ku qaatana alle hanaga dhigo insha allah adna abwaane mahad sanid ayaan ku leyahay insha allah bararujinta iyo gugabadana halkaas ka siiii wad

  2. mohamed ali says:

    ninkii qiiro wadaa qabiilkiis dumanaayo waa qabyalad qorshaysane soomaalaay qarankii ma i laday?

    duraan sade waa qarnwayne taariiq daana dhigaysa, waxy ay u qabteen ,
    soomalibaase ku qaldoontay qarrankiina mar laaday, walina aan u qabsoomin,
    e soomalidaa is qawaaftay qabiilka isku laysay, qumaati duraanoow u tusmee,
    qaadirkay ila tuuq in aan markale inaan qotomino qarankii aanu lahayn soomalina ay u qashuucdo,qorshaheena wanaagsan,
    qabiil waanu kawaynee soomaalidaa is qalaysa qabyaalada wax ku doona qaadirow quluubtooda is raaci qaradaanu lahayn somali ay ku qornayd gumaystaa u qaxweeya suu uqaadan lahaaye, qaadiraw quluubteena is raaci,aaamiin




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...