Xagee ku dambeyn doontaa sadex-geesoodka Af-Mandiila.

Number of View: 445

Nairobi (S. News Network) Qormadan oo ay ku xigi doonaan qormooyin kale waxaanu ku faaqidi doonaa loolanka adag ee loogu jiro xukunka magaalada dekeda leh ee Af-Mandiila, bulshadu iyadaa sharaxaad ka baxsan doonta magacyada aanu u adeegsan doono sadexda nin ee ku loolamaya magaaladaas iyo saaxiibada ay wataan.

Magacyada ragaas aanu siindoono waxay kala yihiin Guul-wade, Miigane iyo Warmooge. Laakiin sadexdaas nin laba kamid ah waxaa gadaal ka taagan laba nin oo kale oo Af-Mandiila maamulkeeda isku haya.

Miigane wuxuu haystaa fursad uu waligiis ku taami jiray inuu xoog iyo xeelad u helo siduu maamulka Af-Mandiila ku heli lahaa wuxuuna sitaa nin firfircoon oo la yiraahdo Bootoole. Ninkan lagu magacaabo Bootoole dhulka Somalia waligii ma imaan waxaana haatan hamigiisu yahay siduu wax uga heli lahaa dhulkan aani cidi u maqnayn oo qoloba meel qabsanayso.

Guul-wade isagu mar-dhow ayuu baraarugay oo hurdo uu ku jiray ayuu ka kacay, wuxuuna hadda ogaaday  in xaaladu waji kale leedahay wuxuuna rabaa inuu boorka iska jafo, waxaa ka agdhow oo dhegaha wax ugu sheegaya nin  lagu magacaabo Bulbul-raamoole.

Bulbul-Raamoole hadda kahor Somalia wuu yimid wuxuuna ku waayay caruur badan oo uu dhalay wuxuuna kala kulmay waji xumo, hadase waa quryar socod wuxuuna rabaa inuu saaxiibkii Guul-Wade howlihiisa ku fushado.

War-Mooge isagu cidina lama socdo wuxuu haatan u egyahay nin markhaati oo kale ah hada kahor buu isku dayay inuu sida Miigane oo kale fursad u helo,  way soo martay laakiin maamul xumadiisii ayaa meel xun ka tuurtay, wuxuu waagaas watay oo saaxiib fiican la ahaa Bulbul-Raamoole.

Bulbul-Raamoole saaxiibkii Guul-Wade ayuu wax u sheegay oo yiri “War Guul-wade Af-Mandiila duulaan baa lagu yahaye ee hurdada ka kac”. Miigane isagu horey ayuu u tashaday oo hurdo iyo isaga beri horee-horee ayaa isugu dambeysay .

Waxaa kaloo meesha ku jira nin la dhoho Gari-Magasho oo haatan Af-Mandiila ka taliya oo qolo walibana ay rabto inay ka xorayso waxaana lawada sitaa hadda magac guud oo la dhoho Ujeedo-Xun.

Ujeedo Xun waa lagu dagaal galayaa hadeer  laakiin hadhow qof walba wuxuu rabaa inuu iyada kusii gambado hadii dambi cidi yeelanayso siloo yiraahdo wuxuu kasoo horjeestay maamulka Ujeedo-Xun.

War-mooge haatan waa quryar socod qolo walibana lugta ayuu kula jiraa, wuxuu rabaa ciddii u harta sheekadan sadex-geesoodka ah inuu rootiga kula daarto oo  maamulka magaalada Af-Mandiila wax ku yeesho isagoo xirfad iyo xeelad dabacsan isticmaalaya.

La soco qaybta soo socota oo Bulbul-Raamoole iyo Bootoole waxay isku afgaran la’yihiin ku saabsan.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.    Sooyaal News Network.

mjfaarax@gmail.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...