Xagee ku dambeyn doontaa sadex-geesoodka Af-Mandiila (Q. 2-aad)

Number of View: 433

Nairobi (S. News Network) Waa anigii idiin sheegay inaan qormadan kusoo qaadi doono sababaha ay isku khilaafsan yihiin Bootoole iyo Bulbul-Raamoole.

Bulbul-Raamoole wuxuu ku fekerayaa hadii magaalada Af-Mandiila uu xukunkeeda la wareego Miigane armaa weerar kaaga yimaadaa? armay canaasiirta kugu kacsan kugu soo xoogaystaan? waxaasaa maskaxdiisa ka guuxaya.

Bootoole isagu cabsidaas kuma jirto wuxuu ku fekerayaa Illaahow Gari-Magasho meesha kasaar aan halmar hurdo fiican ladee, wuxuu kaloo ku taamayaa inuu macdan lagu sheegay xeebaha Somalia u raadsado qaabkii uu goobtaas macdanta lagu sheegay ku yeelan lahaa, laakiin waxaa ka horeysa indha-badan oo soo eegaya inuu iska leexiyo, waana sababaha uu Somalia u yimid hadda.

Bubul-Raamoole laftiisu kama maqna fekerka ah inuu helo meel uu wax kala soo dago oo dhulka Somalia ah,taasaana ugu daran hadda, laakiin ahmiyadda koowaad wuxuu siinayaa inaan xoog isaga kasoo horjeeda aysan qaban maamulka Af-Madiila.

Bootoole iyo Bulbul-Raamoole waa iska warqabaan ujeedooyinka Af-Mandiila la isugu haysto, Miigane iyo Guul-wadena waa is-ogyihiin nin waliba qofka dhabarkiisa taagan, hada waa lakala xishoonayaa oo Af-Madiila gacan lagu mahayo, waxaana lawada sitaa shaatigii Ujeedo-Xun.

Ujeedo-Xun iyadu waxba kama dhihi karto mustaqbalka waxa kasoo socda magaalada Af-Madiila, laakiin waxay qabanqaabinaysaa inay gacan xoogan ku yeelato in si isku dheeli-tiran wax loo qaybsado, laakiin Miigane isagu yeeli maayo markaan oo wuxuu leeyahay Af-Mandiila kaadidayda ayaan usoo cabay.

Guul-Wade isaguna wuxuu leeyahay Af-Mandiila hadii maamulkeeda lagaala wareego nololba ma haysatid!! waana meeshii ubad badan oo aad lahayd aad ku duugtay!.

Warmooge isagu juuqba-maleh duco ayuu hoosta ka wadaa oo wuxuu leeyahay “Allow maamulka Af-Madiila qolo kuu dabacsan gacanta u gali”.  Waxaa soo socota sida wax u socdaan marka la saadaaliyo in Guul-Wade iyo War-mooge isfahmi doonaan, sababtoo ah Miigane sanadkan calankiisuu wataa oo cidbaa kaa saraysa  ama dad kalaa Af-Mandiila kugu qabsan kara ma aaminsana, wuxuuna leeyahay ma meeshaan kaadidayda usoo cabay baa la igu qabsan karaa? isagaa isku jawaabaya “MAYA”.

Lasoco qaybta soo socota iyo sababaha  keeni kara in Warmooge iyo Guul-wade isfahmaan.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre.   Sooyaal News Network.

mjfaarax@gmail.com


Shabakadda Wararka Ee SooyaalNews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fadlan Nagalasoo Xiriir E-mail sooyaalnews@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararka Somalia

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose
- Apr 24, 2013
Kadib dagaal culus oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan ...
Haile-Mariam-Desalegn Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay Somalia kala baxayso
- Apr 24, 2013
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ...
CALANKA-UGAANDHA Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya
- Apr 24, 2013
Dowladda dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ...
Gedo Dhallinyaro Gedo lagu guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan
- Apr 24, 2013
Hay’adda maxalliga ah ee Sedhuro ee ka howlgasha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa maanta ...
Lazzarini-iyo-Galan U Qaabilsanaha QM ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso
- Apr 24, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo u qeybsanaha Qaramada Midoobay gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa ...
Jowhar Askari ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar
- Apr 23, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax ...
Garisain Police-ka Kenya oo 100 qof ku xiray Garisa
- Apr 23, 2013
Booliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta ...
xasuuqaMuslimiintaRohinga1 Human rights Watch oo qoraal kasoo saartay Xasuuqa Muslimiinta Burma
- Apr 23, 2013
Hay’ada Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ...
KNHC-FM_Studio_A Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wariyayaal ka howlgala Hargaysa
- Apr 23, 2013
Waxaa maamulka Soomaliland ay xabsiga u taxaabeen labo weriye oo ka hawlgala telefishinka Bulsho ...
booliiskacanada Booliiska Canada oo sheegay in la fashiliyey Weerar Argagaxiso
- Apr 23, 2013
Dowlada Canada ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay labo nin oo qorsheenayey ...